Ra’isul-wasaaraha Somalia oo Madaxda Masar kala hadli doona xakamaynta Tahriibayaasha Soomaalida.

Afhayeenka Rasmiga ee Xukuumadda Masar, Xusaam Alqawaysh ayaa sheegay inay Ra’isul-wasaaraha Somalia, Omar Abdirashid Ali Sharmarke u fidiyeen Casuumaad Rasmi si uu booqasho ugu yimaado magaalladda Qaahira.

Afhayeenka ayaa hadalkaasi jeediyey, kadib, markii uu Ra’isul-wasaaraha Masar, Shariif Ismaaciil uu Kulan la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Werushadaha ee Somalia, Engineer C/rashiid Mohamed Ahmed, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Ku-simaha Safiirka Somalia u jooga magaalladda Qaahira.

Casuumaadda ay Dowladda Masar u fidiyeen Ra’isul-wasaaraha Somalia ayaa ku soo beegmaysa dhowr maalmood kadib, markii ilaa 500 oo Tahriibayaal kala bar  ahaa Somalia ka shiraacday Xeebaha Masar ay ku qaraqmeen dooni ku degtay inta u dhexeysa Xeebaha Masar iyo Talyaaniga.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaraha Masar iyo Wafdiga Soomaalida waxay ka wada hadleen Xaallaadihii ugu dambeeyey ee dalka Somalia, Hawlgalka AMISOM iyo sidii loo xoojin lahaa Ganacsiga iyo Wax-wada-qabsiga labada Waddan.

Ra’isul-wasaaraha Masar, Shariif Ismaaciil waxa uu ka hadlay Xiriirka Taariikhiga ee labada Waddan, wuxuuna xusay inay lama huraan tahay in la xoojiyo Iskaashiga labada dhinac, isagoo ballan qaaday inay Somalia ka taageerayaan Dib-u-dhiska Hay’addaha Dowladda iyo Awoodaha kale ee Farsmo.

Waxa uu intaasi ku daray inay Masar Xarun Ganacsi ka furanayso Somalia, isla markaana ay Wafduud Ganacsato u soo dirayaan Somalia si ay daraasaad ugu sameeyaan qoddobadda la iska kaashanayo iyo Badeecooyinka looga baahan yahay Somalia, gaar ahaan Daawooyinka.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor