Ra’isul-wasaaraha oo ka tacsideeyey geeridii Ambasador Abdillahi Siciid Cismaan oo Dalka Mareykanka ku Geeriyooday.

Muqdisho, January 28, 2016…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Danjire C/laahi Siciid Cismaan oo shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u direy ehelladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum C/laahi Siciid, isagoo Alle uga baryey in uu Samir iyo Iimaan ka siiyo isagana qabrigiisa u waasiciyo.

Danjire Cabdullaahi Saciid CusmaanRa’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in Danjire C/laahi uu ahaa muwaadin dalkiisa wax badan u soo qabtay, isla markaana muddooyin kala duwan xilal ka soo qabtay Soomaaliya, isagoo ALLE uga baryey in Naxariistiisa JANNO uu ka waraabiyo marxuumka,

“Inaalilaah wa inaa ilayhi raajicuun, waxaa shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka Allah ha u Naxariistee Danjire Cabdulaahi Siciid Cismaan oo Soomaaliya ka soo noqday danjirii ugu horreyay ee Xarunta Qaramada Midoobay u fadhiyay Geneva, waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka ka hor burburkii” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Xilalka uu marxuumku ka soo qabtay dawladda Soomaaliya waxaa ka mid ahaa:

1984- 1990: Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay New York 
!976- 1984 : Danjiraha iyo wakiilka Soomaaliya u fadhiya xafiika QM ee Geneva. 
!970- 1976 : Garyaqaanka Guud ee Dawladda ((Avvocato Generale dello Stato) 
1968-1970: Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Caddaalada. 
!966- 1968 : Agaasimaha Waaxda Caddaaladda.


->—-DHAMMAAD—–<- 

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 
[email protected] 
Twitter: @SomaliPM

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor