Ra’isul-wasaaraha oo ka tacsideeyey geerida Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ku geeriyooday Beledweyne.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Xukuumada, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo saaka ku geeriyooday magalaada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

MARXUUM UGAAS CABDIRAXMAAN 3“Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif waxa uu ahaa shaqsi waqtigiisa ugu badan galiyay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ummadda, waxa uuna saaka geeriyooday isaga oo ka qeybgalaya shirka Nabadda ee Samadoon” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid, isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 
[email protected] 
Twitter: @SomaliPM

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor