Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia oo sheegay inay dadka Afrikaanka Fiiso la’aan soo geli doonaan dalkiisa.

Ra’isul-wasaare  Abii Axmed waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu xalay la kulmay Madaxweynaha dalka Ruwwanda, Paul Kigambe oo booqasho 3 maalmood ah ku jooga caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba.

Waxa uu intaasi ku daray inay dadka Afrikaanka sida ugu dhaqsaha badan loogu fududeyn doono inay Fiiso La’aan ku soo galaan Ethiopia.

Hadalkiisa ayaa yimid, iyadoo uu Madaxweynaha Ruwanda, Paul Kigambe uu bishi iJanaayo ee sannadkan ku dhawaaqay inay dadka Afrikaanka Fiiso la’aan soo geli karaan dalkiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media