Raila Odinga oo sheegay inay Kenya ku soo wajahan yihiin weeraradda cusub ee Alshabaab

Guddoomiyaha Isbahaysiga mucaaradka Kenya ee CORD, Raila Odinag ayaa soo saaray Qoraal uu ugu talagalay Saxaafadd oo uu kaga hadlay musuq iyo amni la’aanta ka jirta Kenya.

Waxa uu sheegay inay Dowladda Madaxweyne Uhuru ku fashilmeen inay wax ka qabtaan amni-xumida, wuxuuna xusay in weeraradda Alshabaab sii kordheen tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 2010-kii.

Waxa uu tilmaamay in sannadkii 2010-kii 90 qof lagu dilay 75 weerar oo ay Alshabaab fuliyeen, wuxuuna intaasi ku daray in sannadkii 2013-kii ladiley 157 qof.

Raila Odinga waxa kaloo uu xusay in sannadkii la soo dhaafay ay dhaceen 62 weerar oo lagu dilay 290-qof.

Dhinaca kale, Raila Odinga oo mar Ra’isul-wasaare ka noqday Kenya waxa uu sheegay in weerarkii u dambeeyey ee Dagaalamayaasha Alshabaab dhawaan ku qaadeen Xero ay Ciiddanka ku leeyihiin duleedka Degmadda Laamu muujinayso inay Kenya ku soo wajahan yihiin weeraro cusub  iyo weji rabshadaysan.

Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD waxa uu Madaxweyne Uhuru ku dhaliilay inuusan haba yaraatee booqasho ku tegin magaalladda Mombasa iyo W/bari Kenya oo uu xusay inay inta badan ka dhaceen weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku soo qaadaan Kenya.

Xigasho: The Standardmedia.com

© Warqabadka Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor