Raila Odinga oo Ku Baaqay in Loo Midoobo Dagaalka Al Shabab

Guddoomiyaha Isbahaysiga CORD, Raila Odinga ayaa ka codsaday  dadka Reer Kenya inay si buuxda ugu midoobaan sidii loo wiiqi lahaa Alshabaab.

Raila Odinga ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu booqanayey dadkii ku soo dhaawacmay Weerarkii Jaamacadda Garissa, kuwaasi oo haatan lagu daawaynayo Isbilaalka Kenyatta National Hospital ee magaalladda Nairobi.

“Weerarkaasi waxa uu ahaa mid ka mid ah shilalka ugu murugadda badan ee Taariikha Kenya” ayuu yiri Odinga oo mar Ra’isul-wasaare ka soo noqday Kenya, wuxuuna ku baaqay inay Dowladda iyo Xisbiyadda Mucaaradka u midoobaan sidii looga hortegi lahaa weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fuliyaan Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor