Dhageyso: Labada Gole Ee Dowladda Oo Ku Hishiiyay In Doorasho aysan Ka Dhicin Dalka 2016-ka

Kulan ay xildhibaanadda baarlamaanka soomaaliya ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul wasaaraha soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Fadhiga Mudanayaasha ayaa waxaa loogaga hadlay arimaha doorashooyinka 2016-ka waxaana Raisul Wasaaraha iyo Gudi hoosaadka baarlamaanka ay ku heshiiyeen in doorasho min qof iyo cod ah aysan ka dhici karin dalka Somalia.

Ra’iisulwasaare Cumar C/rashiid Cali ayaa shaaciyay in loo baahan yahay in laga hadlo waxkasta oo horumar u ah Dalka.

Kulanka Xildhibaanada oo maanta ka badalnaa sidii looga bartay ayaa waxaa soo xaadirtay 158 Mudane.