Ra’iisul Wsaaraha Soomaaliya oo Maanta u ambabaxay dalka Switzerland

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda dalka Switzerland.

Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha oo ay qeyb ka yihiin mudanyaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka kasii sagootiyay Xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeybgeli doona  shirka dhaqaalaha adduunka kaas oo dhawaan halkaasi ka furmaya.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeybgeli doonta Madax badan oo Afrikan ah,waxaana Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ka mid yahay Madaxda lagu casuumay ee khudbadaha ka jeedin doona.

Shirkaan lagu wado in uu Ra’iisul Wasaaraha ka qeybgalo ayaa waxa uu socon doonaa mudo Saddex Maalmood ah,waxa uuna yahay markii ugu horeysay oo ay madax ka socota dowladda ka qeybgasho mudo laga joogo 30 Sano.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaas waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa madax badan oo Afrikan ah oo shirkaas ka qeybgaleysa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media