Ra’iisul Wasaare shaaciyay in aysan u baahneyn Ciidanka Mareykanka

Xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Iraq Mustafa Al-Kadhimi uu berrito Madaxweynaha Maraykanka kula kulmi doono magaalladda Washington, haddana waxa uu tilmaamay inaysan Iraq baahi dheeraad ah u qabin Ciiddamo Maraykan oo la sii dagaalama Kooxda Daacish.

Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wakaalladda Wararka Associated Press ee AP waxa uu tilmaamay inay Maraykanka ka codsanayaan Tababarka iyo Xog-ururinta Sirdoonk Milliteriga, isagoo hoosta ka xariiqay inaysan jirin baahi la xiriirta Ciiddamo shisheeye oo ka dagaalama dhulka Iraq.

Heshiis ay Dowladaha Iraq iyo Maraykanka kala saxiixdeen bishii April ee la soo dhaafay waxa uu dhigayey in Xilliga Kala-guurka ee Hawlgalka Maraykanka ee Tababarka iyo La-talinta Ciiddanka Iraq uu micnihiisu yahay inuu dhamaanayo Doorka dagaalka ee Milliteriga Maraykanka, balse, ma jiro Jadwal cayiman oo lagu dhamaystirayo xilliga Kala-guurka ee Ciiddanka Maraykanka.

 Kulanka Madaxweyne Joe Biden iyo RW Iraq  berrito ku yeelan doonaan Aqalka Cad ee Washington ayaa la rajeynayaa inay ku go’aamiyaan Xilliga Kala-guurka ee Ciiddanka Maraykanka ka jooga Iraq, waxaana laga yaabaa inuu qorshahaasi dhaco dabayaaqada sanadkan 2021-ka.

Tirada Askarta Maraykanka ee haatan Iraq ku sugan waxay gaarayaan 2,500 Askari, tan iyo markii uu Madaxweynihii hore, Donald Trump amray dhimista Ciiddankaasi dabayaaqadii sanadkii hore.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor