Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo ka Warbixiyey safar uu ku tegay dalka Turkiga

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa goor-dhow Dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka soo qeyb-galay shirkii Wadamada Islaamka ee looga hadlay Arrimaha Falastiin kaa soo ka dhacay Dalka Turkiga.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdigii uu hogaaminayay ee halkaasi ugu qaybgalay shirka wadamada Islaamka ayaa kulan la qaatay intii halkaasi ay joogeen madax ka tirsan dowladda Turkiga.

Ra’iisul Wasaare ku-xugeenka Mudane Mahdi ayaa la kulmay dhigiisa dalka Turkiga, waxaana ay ka wada hadleen heshiisyada dhinacyada ganacsiga iyo iskaashiga horumarinta kaabayaasha, Islamarkaana loo fulin lahaa heshiisyo dhawr iyo toban gaaraya oo la xiriira dhinaca horumarka.

Sidoo kale kulanka labada Mas’uul ayaa looga hadlay sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay uga faa’iidaysan lahaayeen Suuqyada Turkiga, si badeecooyinkooda ay u gaarsiiyaan suuqyada Yurub.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media