Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga oo ku soo wajahan Soomaaliya

Warabahinta Turkiga ayaa sheegtay iyada oo soo xiganeysa Masuuliyiin Sar sare iyo todobadka soo socda Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo uu booqan doono Wadamada Soomaaliya iyo Sudan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in booqashadiisa Koowaad uu ku hormari doono Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga dalka suudan oo uu joogi doono mudo laba Maalmood ah kadibna uu soo aadi doono dinaca Soomaaliya.

Warbaahinta Turkiga ayaa sidoo kale faafisay in Hakan Jaush Ogolo uu inta uu joogo Soomaaliya uu la kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madax kale.

Ujeedada uu Soomaaliya u imaan doono Ra’iisul Wasaare ku xigeenbka Turkiga ayaa lagu sheegay in uu  kormeer ku sameyn doona Saldhiga Turkiga uu ka dhistay Muqdisho oo Ciidamo ka tirsan dowladda lagu tababaro iyo sidoo kale kormeer kale uu ku tegi doono dhul Maamulka gobolka Banaadir uu ku wareejiyay kaas oo laga dhisayo Xarun lagu tababaro Ciidamada kaas oo ku yaalla deegaanka Jaziira.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha siweyn u taageera Soomaaliya una soo gurmada,waxaana imaanshaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga ee Soomaaliya uu qeyb ka yahay taageerada uu turkiga siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media