Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Loo Qaaday Maanta Dalka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo Shalay ku dhaawacmay Weerarkii Hotelka Central ayaa Maanta loo qaaday Dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa kamid ahaa Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo shalay dhaawacmay.

Wasiirka Caafimaadka iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo Maanta Booqday Cusbitaaladda Madiina iyo Digfeer ayaa sidasi xaqiijisay.

Wasiirka waxa ay sheegtay in ay jiraan dhinaca kale 10 qof oo loo qaadi doono dibadda,kuwaas oo xaaladooda ay halis ku jirto.

Weerarkii Shalay waxa ku dhintay dad ka badan 25 qof waxana ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi ka badan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor