Ra’iisul Wasaare Kheyre”Soomaaliya waxa ay heeysaa jidkii dawladnimada”

Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Xalay kulan la qaatay Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland iyo Nawaaxigeeda.

Kulankaasi oo ku dhacay jawi wanaagsan iyo isfaham ayaa waxaa la hadlay Dadkii ka soo qeybgalay kulankaasi Ra’iisul-wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre, wuxuuna sheegay in Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay rabaan dawladnimo.

Mudane xasan Cali Kheyre oo la hadlaayay Dadkii ku noolaa Wadanka Switzerland iyo Nawaaxigeeda ayaa yiri, “waxaannu isla garanay in Soomaaliya jidkii dawladnimada hayso, iyaguna ay taageeraan dawladdooda”.

Raiisul-wasaaraha ayaa beryahaanba ku sugnaa Magaalada Davos ee Dalka Switzerland, halkaasi oo uu kaga qeybgalay Shir-madaxeedka Dhaqaalaha Adduunka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media