Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shir uga qeyb galaya Dalka Switzerland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalaya shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka Kaasi oo ka furmidoono Dalka Switzerland.

Shirka oo ay ka qeybgalidoonaan hogaamiyaal ka kala socda wadamada Caalamka ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha kobaca dhaqaalah Adddunka iyo sidii loo caawin lahaa wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto,wuxuuna furmayaa bishan Janaayo gudaheeda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kamid ah hogaamiyaal ka socda Qaaradda Africa ,waxaana lafilayaa in uu kulamo la yeesho madaxda ka socota wadamada ku horumaray dhinaca dhaqaalaha.

Shir ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya,maadaama ay kujiro wadamo yar oo Africa ka tirsan,kuwaasi oo si gaar ah loogu casuumay.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu maanta la kulmay madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya,isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha Wasaaradda.

Wuxuu kula dardaarmay madaxda Wasaaradda Maaliyadda in ay sii kordhiyaan dadaalkoodi ku aadan sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka dhaqaalaha Dalka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media