Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Maanta la kulmi doona dhigiisa dalka Turkiga

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadad Federalka Somalia, Xasan Cali Kheyra oo maalintiisa 2-aad booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo dhigiisa dalkaasi, Ben Ali Yildirim.

Qoraal uu Ra’isul-wasaare Kheyre soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu maanta la kulmi doona Ben Ali Yildirim, kana wada hadli doonaan qaababka loo xoojinayo xiriirka Somalia iyo Turkiga iyo sidii ay Dawlada Turkigu uga qeyb qaadan lahayd horumarka Soomaaliya ka socda iyo La-dagaalanka Alshabaab.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Kheyre waxa u qorsheysan inuu booqdo Isbitaalladda ay ku jiraan  dadkii ku dhaawacmay Qarixii bishan 14-dii ka dhacay Isgoyska Zoope ee maagalladda Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media