Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Sheekh Shariif Sheekh Axmed+Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyinii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxana ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalku marayo xiligan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Shariif booqashada uu maanta ugu yimid, wuxuna tilmaamay mudane shariif inuu yahay muwaadin dalkiisa wax badan u soo qabtay mudadii uu xilka hayay, xiligana diyaar u ah inuu wixii tallo ku biiriyo madaxda qaranka.

“Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo aan ka wada hadalnay arrimaha dalka”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media