Ra’iisul Wasaare kheyre oo la kulmay Guddiga dib u eegista Dastuurka

Mudane Xasan Cali KHayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho kula kulmay guddigga la socodka iyo dib u eegsita Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan madaxa bannaan.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Aqalka sare ayaa ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu kulan gaar ah la yeeshey guddoonka aqalka sare,iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira sidii looga wada shaqeyn lahaa dardargelinta howlaha dib u eegista Dastuurka.

Intaasi kadib ayaa Ra’iisul Wasaare Khayere waxaa uu la kulmay guddigga la socodka iyo dib u eegsita Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan madaxa bannaan,mudadii uu socday kulankooda ayaa waxaa ay diiradda ku saareen sidii Wasaaradda Dastuurka iyo guddiyadda arrimahaasi qaabilsan ay uga wada shaqeyn lahaayeen dardargelinta howlaha dib u eegista Dastuurka.

Guddomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa faah faahiyaya waxyaabihii ka soo baxay kulankaasi.

“Waxaan maanta la kulanay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,waxaan ka wada hadalnay sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaaha dib u eegista Dastuurka,waa la isku afgartay arrintaasi”, Ayuu yiri Guddomiye Cabdi Qeybdiid.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa sheegtay in dib loo dhigay shirweynihii Qaran ee arrimaha Dastuurka oo la filayay in uu maanta ka fumro magaalada Muqdisho sababo farsamo aawadeeda.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media