Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali  Khayre, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Danjiraha  Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique  Lorenzo.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo danjiraha  Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique  Lorenzo ayaa kawada hadlay qodob dhowr ah, isagoo R/wasaare Kheyre uga mahad celiyey Midowga Yurub  taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Danjiraha Midowga Yurub Veronique  Lorenzo, ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan taagerada dhaqaale ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, waxayna caddeysay in ay la dhacsan yihiin hanaanka Maamul ay ku shaqeyso Dowladda.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media