Ra’iisul Wasaare kheyre oo kulan la leh Madaxda Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya

Xasan Cali kheyre ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeer waxa uu ku tegay Xarunta Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Kormeerkaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid kedis ah, waxana ku wehliya wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cbdiraxmaan cumar Cismaan Yariisow iyo Xubno kale.

Wararkii u dambeeyay ee Dalsan helsyos ayaa waxa ay sheegyan in haatan uu kulamo la leeyahay wasiirka Warfaafinta iyo Xubnaha waaxyaha kale oo ay ka kooban tahay wasaaradda Warfaafinta.

Waa socdaalkii labaad ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre uu ku tago Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya,in kastoo haatan uu kulanka weli socdo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdulalahi Farmaajo, ayaa horay u tegay xarunta Wasaaradda warfaafinta,iyada oo xiligas uu Tv-ga Qaranka si toos ah uu kala hadlay Shacabka Soomaaliyeed, balse lama oga in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu isna Shacabka la hadli doono.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media