Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka tacsiyeeyay geerida Fannaanada Guduudo Carwo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Fannaanaddii weynayd ee Shamis Abokar Ismaaciil (Guduudo Carwo) oo maanta ku geeriyootay magaalada Hargaisa.

“Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaan tacsi u dirayaa qoyskii,asxaabtii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee ka baxday Shamis Abokar Ismaaciil (Guduudo Carwo) oo kamid ahayd fanaaniinta ay aadka u jecelyihiin dadka Soomaaliyeed, waxaan ku xasuusan doonaa kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee ay ka qaadatay horumarinta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media