Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu ururinayey Abaaraha ka jira dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre waxa uu shalay  ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu aruurinayey dadka Soomaaliyeed ee ku dhufteen abaaraha, waxana intii uu socday kulanku Xukuumaddu soo bandhigtay dhaqaale ay ugu talagashay abaarta ka jira Soomaaliya.

Kulankan taakuleynta ah ee dhaqaalaha loogu aruurinayey dadka abaaruhu saameyeen ee ku nool gobollada Soomaaliya ayaa intii uu socday waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kheyre in guddida gurmadka abaaraha ay ku wareejinayaan lacag dhan ($803,279) oo dollar oo Xukuumaddiisu ugu tala gashay dadka abaaruhu ay wax yeeleeyen.

R/wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay dadka dibadaha jira in jeejabab-kooda ay furaan isla markaana aan loo kala harin ugar-gaaridda walaalahooda tabaaleysan.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in Dawladdu marnaba aysan ka seexan doonin shacabkeeda dhibaataysan ee gacan qabashada u baahan, maanta wixii aan ku bixino abaarta kuna badbaadina nolosha dad badan oo walaalaheen ah waxay noqon doontaa taariikh, isku soo dhawaansho iyo in bulshadeenu nagu kalsoonaato”ayuu yiri R/Wasaare Kheyre oo intaasi raaciyey in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay la dagaalami doonto musuq-maasuqa cidii lagu helana tallaabo ka qaadi doonto.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah Guddiga Gurmad Abaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa warbixin guud ka bixiyay dhibaatada ka jirta deegannada ay sida aad ka ah u saameyeen Abararaha jira, isagoo baaq u direy guud ahaan cid walba oo gacan ka geysan karta u gurmashada dadka la tacaalaya abaarta iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhashay oo kamid yihiin Daacuun iyo Shuban Biyoodka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kormeeray goobo kamid ah kuwa ay ku nastaan shacabka, isagoo la shaaheeyey isla markaana kala sheekeystay xaaladahooda, si ay dawladdu shacabka tallooyinkoodu ugu shaqayso.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha 
[email protected] 
Twitter: @SomaliPM

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media