Ra’iisul Wasaare kheyre oo ka baaqsaday booqasho uu ku tegi lahaa Baydhabo

Maanta ayaa la filayay in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu gaaro Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre balse la sheegay in uu ka baaqsaday.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Gacma ayaa Dalsan u xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ka baaqsaday booqashadii uu ku tegi lahaa Baydhabo.

Xasan Cali Kheyre ayaa qorshuhu yahay in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu ug qeybgalo Munasabada Sanadguuradii Saddexaad ee kas oo wareegtay markii la’aas asaay Maamulka Koonfur Galbeed oo Habeen dambe ka dhaceysa Baydhabo.

Sidoo kale waxa Warar Idaacadaha qaar ay baahinayeen ee ahaa in Todobadkaan shirka Golaha Wasiirada uu ka dhacayo Magaalada Baydhabo ay beenowday kadib markii uu Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media