Ra’iisul Wasaare Kheyre oo furay Imtixaanka dugsiyada Sare ee dalka

Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka, oo ay maanta u fariisteen 27,600 oo arday.

Schoolka 15-ka May oo uu ka dhacayey imtixaanaadkaasi oo si weyn loo adkeeyey amniga ayaa waxaa gaaray Ra’iisul wasaaraha dalka oo ay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay daah furka Imtixaanaadkaasi ayaa sheegay in waxbarashadu ay tahay qeybta ugu muhiimsan ee horumarka daka, in wax la bartana ay astaan u tahay dib u dhiska dalka.

“Waxaan u mahad celinayaa Aabayaashii iyo Hooyooyinkii kasoo shaqeeyey in caruurtooda ay soo gaarsiiyaan halkaan, Inagana ka dowlad ahaan waxaan ku dadaali doonaa insha allh si arday walbo uu fursad u heli lahaa”ayuu yiri Mudane Xasan Cali Kheyre.

Ra”iisul wasaaraha dalka ayaa sidoo kale u mahad celiyey cid waliba oo howshaan kasoo shaqeysay, gaar ahaana wasaaradda waxbarashada dalka.

“Waa Iftiin qaranimo Soomaaliyeed ay ka muuqato, Waa Horumar uu wadankeenu ku tilaabsanayo, waxeyna ahaan doontaa howlaha saldhiga u ah xukuumaddu iney ka shaqeyso”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ra”iisul wasaaraha Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media