Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo wefdi uu hogaaminayey oo maalmahaan ku sugnaa dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, iyadoo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay kusoo dhaweeyeen masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa dalka Turkiga kulamo xaaladda dalka la xirira lasoo qaatay madaxda dowladda Turkiga, iyada oo waxyaabihii ay ka wada hadleen isku soo fahmay.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sidoo kale Turkiga intii uu joogay soo booqday dhaawacyada musiibadii 14-ka October ee kujira Isbitaalada dalka Turkiga.

Sidoo kale Madaxda dalka Turkiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa ay u balan qaadeen in ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media