Ra’iisul Wasaare Kheyre oo cadeeyay sababta Mareykanka uu Dhaqaalaha uga jaray Ciidamada Xoogga

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay sababta dowladda Mareykanka ay Dhaqaalaha uga jartay Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya.

Mudane Kheyre ayaa marka hore been abuur ku tilmaamay in sababta looga joojiyay Ciidamada dhaqaalaha ay tahay sababo la xiriira musuq maasuq uu arkay Mareykanka sida maalmahaan la baahinayay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka jawaabayay Su’aalo ay Wariyayaasha weeydiiyeen ayaa waxa uu sheegay in arrintaan ay ku timid heshiis dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka si loo hubiyo halka uu ku baxo Dhaqaalaha Ciidanka lasiiyo.

Marka laga soo tago hadalka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maalmahaan waxaa soo baxayay in dowladda Mareykanka  dhaqaalihii ay siin jirtay ciidanka Qaranka ay uga jartay musuq iyo wax isdaba marin.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media