Ra’iisul Wasaare Khayre oo Maanta khudbad ka jeedin doona Shirka Golaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta la filayaa in uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa uu ka jeediyo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey kaasi oo haatan ka soconaya magaalada Newyorka ee Mareykanka.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu khudbadiisa uu ku soo bandhigo xaaladda Soomaaliya, dhinacyada Ammaanka,siyaasadda Dhaqaalaha iyo arrimaha bani,aadanimada,isagoo taageero weydiisan doona beesha Caalamka oo shirkaasi ku sugan.

Dhanka kale Kulan saxaafadda loo diiday ayuu Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Kheyre iyo wafdigiisa la qaateen madax ka socota wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo sida xubnaha dowladu noo xaqiijiyeen ka wada hadlay arrimo la xariira Xoojinta xariirka wadamadaas ay la leeyihiin Soomaaliya, Horumarinta howlgalada ka dhanka ah Nabad diidka iyo sidii loo heli lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo la wareega amniga dalkooda.

Madaxdii ay la kulmeen wafuudda dowladda Soomaaliya waxa ay qireen in Soomaaliya ay ka soo kabanayso xaaladihii adkaa ee ay soo martay isla markaana uu muuqanayo isbedal dhaxal gal ah, iyaga oo balan qaaday in ay is garab taagi doonaan dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare oo ka hadlay shir ay hoggaaminayeen dowladaha Soomaaliya,UK, Talyaaniga, iyo Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay dowladdiisu ay muhiim u tahay kaalinta ay beesha caalamku kaga jirto soo celinta ammaanka iyo xasilooni dhab ah oo Soomaaliya ka dhacda, hase ahaatee ay xukuumaddiisu xoogga saarayso sidii ay u kobcin lahayd dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo in ay u furantahay Soomaaliya Maalgashi caalami ah.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media