Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, geeridii ku timid Marxuum Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ahaa xubnaha Baarlamanka Soomaaliya, isla mar kaana ku geeriyooday dalka India, xanuun hayay awgeed.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha sheegay in Marxuum Xildhibaan Bootaan uu ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon Baarlamanka, sidaa darteedna Baarlamanka iyo shacabkuba ay tebi doonaan hawshii wanaagsaneyd ee uu u hayey.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
——DHAMMAAD——

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media