Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka baaqday safar dalka Turkiga ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka baaqday safar rasmi ah oo uu ugu kicitami lahaa dalka Turkiga ka dib masiibadii shalay ka dhacday Muqdisho si uu shacabka Soomaaliyeed baroordiiqda ula wadaago.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ugu socday dalka aan wallaalaha nahay ee Turkiga ka baaqday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo rasmi ah la lahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Rejab Dayib Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qadka telefoonka kula hadlay Madaxda Turkiga si uu uga cudur daarto, weyna ka aqbaleen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la hadlay dalal aan wallaalo nahay oo uu ka codsaday inay gurmad deg-deg ah u soo fidiyaan dadka dhaawaca ah, dhowaana waxaa bilaabaneysa in dadka dhaawacyadoodu culus yahay loo qaado dalka dibeddiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media