Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii loo gaystay Saciid Cali Saalax oo kamid ahaa Shaqaalaha XRW

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyay dilkii arxan darada ahaa ee maanta loo geystay Marxuum Saciid Cali Saalax oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo shalay ay  dableey hubeysan  ku dileen degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho, wuxuna alle uga baryey marxuumka in uu jannadiisa fardowso ka waraabiyo ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda Soomaaliya, waxaan alle uga baryeynaa Saciid Cali Saalax oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska oo saakay la dilay in uu Eebe naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Marxuum Siciid wuxuu ahaa wadani jecel nabada iyo horumarka dalka, mudana kasoo shaqaynayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii, eheladii, asxaabtii, Marxuumka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri RW Cumar.

Sidoo kale, Maamulka iyo shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelkii iyo asxaabtii uu ka tagay marxuum Saciid Cali Saalax.

—DHAMMAAD—
Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
[email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor