Ra’iisul Wasaaraha xukuumada baaq nabadeed u diray dhinacyada ku dagaalamaya Hiiraan iyo Sh/hoose

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, isaga oo ku hadlaya magaca Xukuumadda ayuu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay kooxaha uu khilaafku u dhexeeyo inay si degdeg ah u joojiyaan xabada ayna wadahadal iyo walaalnimo ku xalliyaan khilaafkooda.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa tilmaamay in waqtigan xasaasiga ah ee dadka Soomaaliyeed ka tashanayaan mustaqbalkooda aan loo dul-qaadan karin in la daadiyo dhiigga dad Shacab ah ee aan waxba galabsan, wuxuna ku waaniyey in dhinacyada dagaalamaya ay shuruud la’aan ku joojiyaan dagaalka.

Isagoo ka hadlaya, ayuu Ra’iisul Wasaare Cumar yiri:

“Waa nasiib-darro in degmada Beledweyne ay dagaallo sokeeyo ka dhacaan waqtigan oo dadka Soomaaliyeed ay ka tashanayso mustaqbalkooda, waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaaladaas, lana qaataa nabadda”.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa isaga oo aad uga xun, waxa uu baaq xabad joojin ah u diray dhinacyada ku dagaalamaya qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay dagaaladaasi soo noqnoqday oo ay ku dhimanayaan dhalinyaro Soomaaliyeed.

“Dagaalkan waa mid aan loo dulqaadin karin, waana mid fursad siinaya dhammaan inta diiddan nabadda iyo horumarka deegaanka, cid walba oo arrintaa ku lug yeelatana waxaa laga qaadayaa tallaabada ku haboon. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad”. ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

R/Wasaaraha ayaa ugu danbeyn tacsi u direy dadkii ku geeriyooday dagaaladaasi macno darrida ah, isagoo Eebe uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo kuwii ku dhaawacmay.

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
[email protected]
Twitter: @SomaliPM

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor