Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan Magaalada Garoowe

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland sida laga soo xigtay ila ku dhaw Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

U jeedada safarka Ra’iisul wasaare Sharmaarke ayaa lagu sheegay sidii uu Maamulka Puntland uga dhaadhicin lahaa qaadashada hanaanka 4.5 oo ay hore u diiden Maamulkasi.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa weli dadaal xoogan ugu jirta sida ay ku qancin lahayd Maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo mar ra’iisul wasaare ka soo noqday Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor