Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay Munaasabadda Sanad-guurada 46 ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Muqdisho, February 18, 2016….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka iyo Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida, ayaa ka qeyb galay Munaasabadda sanad guurada 46-aad ee aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Xerada Ciidanka Asluubta ee Ex- Control Afgooye.

R/Wasaare Cumar ayaa hambalyo u direy hoggaanka iyo dhammaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, wuxuna ku ammaaney, sida ay uga soo dhalaaleen hawsha adag ee loo xilsaarey ee dhinacyada difaaca, dhaqancelinta iyo barbaarinta Maxaabiista, isagoona sidoo kale xariga ka jaray Mashruuca Isdhexgalka Caddaaladda iyo Maxaabiista iyo mashruuc kale oo lagu dhisayo Taliska Ciidanka Asluubta.

“Ciidanka Asluubta waxay qeyb ka yihiin ciidammada qaran ee aan leenahay ee aan ku faanno. Waxay si xilkasnimo ah uga soo baxeen waajibaadkooda, iyagoon helin taageero ku filan oo ay hawshooda ku gutaan,is-xilqaankooda ayaa keenay in maanta ay halkan ku soo bandhigaan cutubyo si wanaagsan loo tababarey oo diyaar u ah gudashada waajibaadkooda, iyo weliba inay awoodeen inay dhistaan xarumahoodii.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ugu danbeyn, xariga ka jaray labo mashruuc oo dib-loogu dhisayo Xarunta Ciidanka Asluubta iyo Xabsiga dhexe, wuxuna mahadcelin u jeediyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo cid walba oo gacan ka geysatay fulinta mashaariicdan. Isagoo dalacsiiyey qaar kamid ah saraakiishii ugu howlkar sanaa ee waajibaadkooda u gutay si daacad ah.

RW15 RW14 RW13 RW12 RW11

RW10

RW1

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 
[email protected] 
Twitter: @SomaliPM

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor