Ra’iisul Wasaaraha oo booqday qaar ka mid ah Xarumaha Wasaaradaha.

Muqdisho, April 11, 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo sidoo kale ay dagan yihiin Wasaaradaha Caafimaadka iyo Qorshaynta. Wuxuna u guur galayay qaab howlleedka shaqo ee Wasaaradahaasi ka socda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaaradaha oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka , is xog waraysi kadib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha wasaradaha inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.

Ugu danbayn, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guud ahaan shaqaalaha u sheegay inay markasta xasuusnadaan inay hayaan shaqo qaran oo muhiimad gaara u leh dawladda iyo shacab keeda, isla mar ahaantana ay iska saaraan masuuliyada gaara.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
[email protected]
Twitter: @SomaliPM

6Z0A3306
6Z0A34926Z0A3534

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media