Ra’iisul Wasaaraha la doortay ee Haiti oo magacaabay Xukuumad Cusub

Dr. Aryel Henry oo 71 jir ah ayaa loo doortay RW Cusub ee dalkaasi, 3 isbuuc kadib, dilkii Madaxweyne Jovenal Moyse.
RW cusub oo ah Dhakhtar ku takhasusay qaliinka Maskaxda waxa uu soo magacaabay Xukuumad ka kooba  18 Wasiir, iyadoo xilalkoodii loo dhaafay Wasiiradii hore ee Wasaaradaha Caddaalada, Beeraha, Dhaqaalaha iyo Maaliyadda.
Sii-hayihii Xilka Ra’isul-wasaaraha Haiti,  Kalude Josef waxaa loo dhaafay xilkiisii hore ee Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi.
Magacaabista RW cusub ee Haiti ayaa timid, kadib, markii ay taageereen Kooxda Caalamiga ee Core Group oo ka kooban Danjirayaasha dalalka Maraykanka, Jarmalka, Brazil, Faransiiska,  Kanada, Spain, QM, EU-da iyo Ururka dowladaha Latin America.
Dhinaca kale, Tirada Eedeysanayaasha loo qabtay dilkii Madaxweynihii hore ee Haiti ayaa gaartay 26 qof oo 2 la mid ka tirsan yihiin Saraakiisha Boliska dalkaasi.
Madaxweynihii Haiti oo la dilay bishan July 77-dii ayaa la filayaa in maydkiisa Jimcaha lagu aaso magaallaada Keeb Haytiyan ee ku taallo Waqooyiga dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor