Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo shaaciyey khasaaraha ka dhashay qarixii Addis Abeba

Ra’isul-wasaare Abyi Ahmed oo ka hadlay Telefishinka dalkiisa ayaa sheegay inay dhowr qof ku geeriyootay qaraxii lala beegsaday Dibadbaxii ballaarnaa ee saakayto ka dhacay Caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba.

Waxa uu  sheegay in dadkaasi lagu dilay Weerarkaasi ku tilmaamay weerar si wanaagsan loo soo abaabulay”, wuxuuna u tacsideeyey dhamaan qoysaska Dhibanayaashaasi.

Weriye ka tirsan Wakaalladda Wararka AP waxa uu sheegay inuu arkay in ka badan Tobaneeyo qof oo ku dhaawacantay qaraxaasi

Muuqaalo ayaa waxay muujiyeen Ra’isul-wasaare Abyi Ahmed oo ay Ilaaladda Ammaanka ka saarayeen goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Mid ka mid ah Guddiga Qabanqaabadda Dibadbaxaasi oo lagu magacaabo Seyoum Teshome waxa uu Bartiisa Facebook ku soo qoray in Ra’isul-wasaaraha iyo Mratidii ka qeyb gashay Dibadbaxaasi dhamaantooda wada nabad qabaan.

Telefishinka Qaranka Ethiopia ee ETV ayaa jaray Tebintii Tooska ee Dibadbaxaasi markii uu Qaraxu dhacay, o oay Dibadbaxayaashu heesahyeen, isla markaana ay u socdeen inay dib ugu laabtaan guryahooda.

Gaadiidka Gurmadka Cafaimaadka ee Ambalaasta ayaa lagu arkayey Fagaaraha la buux dhaafiyey ee Meskel Square ee magaalladda Addis Abeba, halkaasi oo uu Ra’isul-wasaaraha u khudbaynayey Kumanaan ka mid ah Taageerayaashiisa.

Qaraxu waxa uu dhacay wax yar kadib, markii uu Ra’isul-wasaare Abyi Ahmed dhameeyey Khudbadiisa, isla markaana uu u gacan haatinayey dadkii ku sugnaa dibadbaxaasi.

Ra’isul-wasaaruhu waxa uu watay Funnaad sawirka Qaaradda Afrika leh iyo Koofiyad, halka ay Taageerayaashisia wateen  dhar lagu soo xardhay Sawirkiisa, waxayna wateen Boorar lagu soo qoray Hal-ku-dhegyo ay ka mid ahaayeen: “One Love, One Ethiopia” oo la micno ah “Hal Jacayl iyo Hal Ethiopia”.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor