Ragga ka Yar 50 Sano oo Laga Mamnuucay Masjidka Al-Aqsa

Booliiska Israel ayaa ragga muslimiinta ah ee da’doodu ka yar tahay 50 sano jirka ka mamnuucay inay maanta salaadda jimcaha ku tukadaan masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

Saraakiisha ayaa sheegay inay filayaan dibad baxyo ballaaran oo maanta ka dhaca masjidka, oo dhowaan booliiska ay ku dhejiyeen qalabka dadka la dhex marsiiyo ee amni, kadib markii laba sarkaal oo booliis ah lagu dilay weerar ay fliyeen rag hubeysan oo carab ah.

Afhayeen u hadlay booliiska Israel, Mickey Rosenfeld ayaa sheegay in ciidamo xoojin ah lagu daadgureeyey hareeraha dhismaha barakeysan.

Bayaan kasoo baxay booliiska ayaa lagu yiri “Gelitaanka dhismaha barakeysan waxaa lagu xadidi doonaa ragga jira 50 sano iyo wixii ka weyn. Sidoo kale dhammaan haweenka oo idil waa u fasax”.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media