Rag Soomaali oo magangelyo siyaasadeed ka helay Talyaaniga oo xukun lagu riday

Maxkamadda Kataaniya ee Jesiiradda Sishiliya ee dalka Talyaaniga waxay dembi ka heshay 20-dhallinyarro Soomaali ah oo la siiyey magangelyo-siyaasadeed (Political Asylum) ayaa lagu helay inay xubno ka yihiin Koox Dembiilayaal ah oo dadka u soo tahriibiya Talyaaniga.

Dacwad-oogayaasha Maxkamadda ayaa sheegay in Eedeysanayaasha qeyb ka yihiin Shabakad dadka soo tahriibiya, kuwaasi oo lacago badan ka qaatay Tahriibayaal u kala dhalatay Somalia iyo Kenya, si ay ugu soo tahriibiyaan dalka Talyaaniga.

Eedeysanayaashaasi waxaa kaloo lagu soo oogay inay Tahriibayaasha ay keenaan Talyaaniga ka taageeraan sidii ay u sii wadan lahaayeen safarkooda, iyagoo u sii gudbiya Waqooyiga Europe, gaar ahaan dalka Sweden.

Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen in Eedeysanayaasha lagu tuhunsan yahay Hawlaha Tahriibka, ay tiradda dadka lagu helay dembigaasi ka dhigayso 42-Eedeysanayaal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor