Rag Somali Maraykan ku biiri lahaa Daacish oo loo gudbinayo Xarumaha dhaqancelinta

Shan Dhallinyarro Somali Maraykan ah oo dhawaan la qabtay iyagoo qorsheynayey inay ku biiraan Kooxda Daacish ayaa la sheegay in loo diri doono Xarumaha Dhaqancelinta, inkastoo markii hore lagu waday in lagu hayo Xabsiga.

Garsoore Heer Degmo ayaa horey u sheegay in Eedeysanayaaasha loo oggolaan doono in lagu hayo Xabsi Guri, ka hor intaysan Garyaqaanadda u doodaya dhallinyaradaasi codsanin in la sii daayo.

Xeer Ilaaliyaha Maraykanka ugu qaabilsan Gobalka Minnesota, Andrew Lunger ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka lagu soo oogo dacwado, ka hor intaan loo dirin Barnaamijka Dhaqan celinta.

Hadalka Xeer Ilaaliyaha ayaa loo arkay inuu jid cusub u furayo in Eedeysanayaasha loo gudbiyo Xarumaha Dhaqancelinta, si looga hortago Xag-jirnimadda iyo Dhallinyarradda qorsheynayso inay ku biiraan Dagaalamayaasha Daacish.

Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Maraykanka, James Clapper ayaa sheegay  ku-dhawaad 180 Dhallinyarro Maraykan ah isku tijaabiyeen inay u safraan dagaalladda ka socda dalka Syria, si ay ugu biiraan kooxaha Islaamiyiinta ee dagaalladda ka wada dalkaasi.

Xigasho:- thinkprogress.org

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor