Rag Maraykan ah oo jir-dil u geystay Nin Somali oo xukun lagu riday

Maxkamadda Sare ee magaalladda San Diego ee dalka Maraykanka waxaa shalay la soo taagay 3 nin oo Maraykan, kuwaasi oo lagu helay inay Dembi Fal Nacayb iyo weerar kula kaceen Nin Soomaali ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay raggaasi weerarkaasi geysteen  muddo haatan laga joogo hal sanno, kuna beegnayd bishii October 30-dii ee sannadkii 2016-kii.

Eedeysanayaasha oo magacyadooda lagu soo koobay CROW JUNIOR. SCOTT PARETTI iyo SEAN AREVALO ayaa lagu helay inay jir-dileen Nin Somalia iyo inay ku qeyliyeen 2 Haween Muslim ah.

Markhaatiyayaal ayaa Maxkamadda u sheegay inay Eedeysanaha SEAN AREVALO  uu Ninka Soomaalida uu ka qabtay Madaxa, kadibna uu ku garaacay Derbiga.

Ninka Soomaaliga oo aan magacisia la sheegin ayaa ku guuleystay inuu kor ka xafido Gaariga ay Eedeysanayaasha ku baxsadeen.

Boliska magaalladda San Diego  ayaa la sheegay inay soo qabteen raggii iyo gaarigii ay wateen, iyadoo ay Dhibanaha iyo Markhaatiyayaasha aqoonsadeen wejiyada Eedeysanayaasha.

Maxkamadda waxay Eedeysanaha CROW JUNIOR ku xukuntay Xabsi 4 bilood ah, halka labada kale aan weli lagu dhawaaqin xukunkooda.

Xigasho: nbcsandiego.com