Rag lala xiriirinayo Alshabaabkii dhawaan weeraray duleedka Laamu oo la qabtay.

Taliyaha Boliska Dembi-baarista ee Degmadda Laamu, Prosper Bosire ayaa sheegay inay xalay gacanta ku dhigeen Labo nin oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab, kuwaasi oo lala xiriirinayo weerarkii ay Alshabaab dhawaan ka geysteen Laamu, laguna helay 3 qof, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray inay Saraakiisha CID-da qabteen Labaasi nin oo ah Kenyan asalkoodu yahay Somali da’doodu kala tahay 21 jir iyo 22-jir, kuwaasi oo haatan lagu hayo meel aan la shaacinin oo ka tirsan Degmadda Laamu.

Taliyaha Boliska Dembi-baarista ee Degmadda Laamu, Prosper Bosire waxa kale oo uu tilmaamay inay heleen Mooto ay labada Eedeysane ee la qabtay u adeegsadeen eerarkii Axaddii hore ka dhacay Tuulladda Kaisari, laguna dilay 3-qof, halka mid kalena lagu dhaawacay.

©Radio Dalsan