Rag lala xiriirinayo Alshabaab oo lagu qabtay Deegaanka Yumbis

Madaxa Ammaanka ee Gobalka Garissa, Mohamoud Salah ayaa maanta u sheegay Suxufiyiinta inay Saraakiisha Ammaanka hawlgal ka fuliyeen Deegaanka Yumbis ee Garissa, isla markaana lagu soo qabtay saddex qof oo lala xiriirinayo Alshabaab iyo dhowr qoryaha fudud.

Mohamoud Salah waxa uu sheegay in lagu guuleystay hawlgalkaasi, isagoo xusay in ragga la qabtay la rumeysan yahay inay qeyb ka qaateen Qabsashadii Alshabaab ee Yumbis iyo weerarkii Jid-galka ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku dileen Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya.

Waxa kaloo uu sheegay inay Hawlgalkaasi ku soo qabteen saddex qori oo noocooda kala ahaa AK 47, G 3 iyo qoriga Karabiinka.

Madaxa Ammaanka ee Gobalka Garissa,  Mohamoud Salah oo mar ahaan jirey Safiirka Kenya u joogay dalka Sacuudiga waxa kaloo uu tilmaamay inay tiro ka tirsan Alshabaab ka gudbeen xadka Somalia, markii uu Hawlgalka ka bilowday Yumbis.

Hay’addaha Ammaanka ee Kenya waxaa kaloo la sheegay inay Hawlgallo ka fuliyeen Degmadda  Mandera, kadib, markii lagu soo wargeliyey inay Dagaalyahanno Alshabaab ku sugan yihiin Tuullo ku taalla duleedka Mandera.

Xigasho: Daily Nation

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor