Rag lala xiriirinayo Alshabaab oo la sheegay inay canshuur-qaadis ka bilaabeen gudaha dalka Kenya

Iyadoo ay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab dhawaan la wareegeen Tuullo 9 mayl oo keliya u jirta Saldhig ay Milliteriga Kenya ku leeyihiin duleedka Mandheera ayaa waxaa soo baxayo inay Dagaalamayaal lala xiriirinayo Alshabaab gaareen Degmadda Isiyoolo ee W/galbeed Kenya.

Hoggaamiyayaal Dhaqameedyo ka soo jeeda Isiyoolo ayaa ugu baaqay Dowladda Kenya inay baaritaan ku sameeyeen rag hubeysan oo lala xiriirinayo Alshabaab, kuwaasi oo la sheegay inay lacago canshuur ah ka qaadayaan Dadka Deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay  Alshabaab  ilaalo ka hayaan  Tuullada Warankara, isla markaana ay dadka u wacdiyaan.

Dhinaca kale, Siyaasi ka soo jeeda Isiyoolo, oo lagu magacaabo Nuura Bilaa ayaa sheegay in lacagaha ay Alshabaab qaadayaan u adeegsan karaan Hawlgalladda ay ka wadaan gudaha Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor