Ciidamadda Maamulka Galmudug oo howlgal ka sameeyay xaafado ka tirsan Magaaladda Cadaado ayaa waxaa ay kusoo qab qabteen rag la sheegay in ay kufsadeen Haaween ku safrayay Gobolkaasi.
Maxamed Jimcaale Cosoble Oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamadda ay gacanta ku dhigeen 6 qof oo ahaa ragii kufsaday 3 haween ah.
“Ciidamadda waxaa ay gacanta ku dhigeen Lix qof oo dambiilayaal ah kuwaas oo kufsaday seddax haween ah waxaana loo taxaabay xabsigga magaaladda” Sidaasi waxaa yiri Taliye Cosoble.
“Seddaxda Haween ee la kufsaday waxaa ku jirta Hooyo wadata Labo Caruur ah lehna Uur Sideed Bilood ah, Haweenka la kufsaday hadda waxaaa ay jiifaan cisbitaal ku yaalla Magaaladda Cadaado”
Dhinaca kale Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamadda ay soo qabteen Qamri iyo Ragii watay,waxaana uu xusay in magaaladda lagu soo bandhigay.