Rag bustoolado ku hubeysnaa oo lagu toogtay Muqdisho

Barqanimadii Maanta ayaa gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha Magalada Muqdisho waxaa lagu toogtay laba Nin oo la sheegay in ay bustoolado ku hubeysnaayeen.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in raga bustoolaha watay ay toogteen rag kale oo hubeysnaa oo loo maleynayo in ay ahaayeen kuwo ka tirsan Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya.

In kastoo aan sidhab ah loo ogeyn waxa ay ahaayeen ragga la toogtay ayaa hadana warar ay heshay Dalsan waxa ay sheegayaan in raggaas ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Laamaha amniga Soomaaliya iyo maamulka degmada Howl-wadaag weli wax faah faahin ah kama bixin ragga bustooladaha ku hubeysnaa ee Maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor