Rafcaan laga diiday Haween Somali Maraykan ku eedeysnaa inay Lacago u xawileen Xarakadda Alshabaab

Labo Haween oo ka mid ah Soomaalida ku nool Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa laga diiday codsi Rafcaan oo ay ka qaateen Xukun horey loogu riday sannadkii 2011-kii, kadib, markii lagu soo oogay inay Dhaqaale u direen Xarakadda Alshabaab.

Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI waxay horey ugu soo eedeeyen Hawo Mohamed Hassan oo 68 jir ah iyo Amina Farah Ali oo 39 jir ah inay Lacago ku taageereen Alshabaab, inkastoo ay Haweenkaasi ku doodeen inay Lacagahaasi u ururiyeen si loogu taageero Dadka ku dhibaataysan gudaha dalka Somalia.

Garyaqaanadda u doodayso Labadaasi Haween oo shlay hortimid Maxkamadda Rafcaanka ee Gobalka Minnesota ayaa sheegay inay Haweenkaasi Kharajka u diri jireen Dadka Saboolka iyo Carruurta Agoonta ee ku nool Somalia, waxayna beeniyeen inay Lacagahaasi u direen Alshabaab.

Garyaqaanadda u doodayso Labadaasi Haween waxay shalay ku hungoobeen isku-daygoodii ay Rafcaanka kaga qaateen Xukunkii horey loogu riday Labada Eedeysane.

Hawo Mohamed Hassan waxaa horey loogu xukumay Xabsi 10-sanno ah, halka Amina Farah Ali lagu xukumay 20-sanno.

Dacwad-oogayaasha waxay ky eedeeyeen Amina Farah Ali inay 20 jeer diiday inay Maxkamadda hor timaado, iyadoo sababo dhinaca Diinta ah u cuskatay arrintaas.

Hawo Mohamed Hassan iyo Amina Farah Ali oo haysta Dhalashadda Maraykanka waxay qeyb ka yihiin in ka badan 20-qof oo Somali ah kuna nool Gobalka Minnesota, kuwaasi oo ay Baarayaasha Federalka dabagal dheer ku hayeen, kuna heleen inay Lacag iyo dhallinyarro u direen Somalia, si ay ugu biiraan Dagaalamayaasha Alshabaab ee dagaalka kula jira Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka.

Baarayaasha FBI-da ayaa rumeysan inay in ka badan 22 rag Somali ah ka ambabaxeen Gobalka Minnesta, kuna biiraan Alshabaab tan iyo sannadkii 2007-dii.

 © Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor