Rabshado Caawa ka jira Magaalooyin ka mid ah Soomaaliland

Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco ayaa waxay sheegayaan in  mudaharaadyo rabashado wata ay ka socdan magaalooyinka Burco,Ceerigaabo Iyo Hargeysa.

Mudaharaadyadan ayaa waxa  dhigaya taageerayaasha Xisbiga WADDANI oo si wayn uga soo horjeeda natiijada lagu dhawaaqay Galabta  oo ay Guddiga doorashooyinka Soomaaliland  ku shaaciyeen in madaxwaynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Shanta sanno soo socota ay kala noqdeen murrasharixiinta  Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi saylici.

Dhawaqa rasaasta ayaa hadda laga maqlayaa gudaha magaalooyinkaasi,waxaana ciidamadu ay dadaal xoogan ugu jiraan sidii ay u kala Eryi lahaayeen dadkan rabshadaha dhigaya.

Wali ma cadda khasaaraha ka dhashay rabshadahaasi, balse wixii ku soo kordha kala socda Radio Dalsan.com.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media