Rabitaanka Shacabka: Dhambaal ku Socda Hoggaanka Cusub ee Soomaaliya

Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda waxa uu 9-23kii bishii Jannaayo 2017 sameeyay sahan lagu ogaanayo aragtida shacabka. Dad gaaraya 1,364 qof oo da’doodu ka sareyso 18 sano kuna kala nool magaalooyinka Boosaaso, Beledweyne, Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo ayuu machadku ka wareystay waxyaabaha ay u arkaan in ay muhiim tahay in dowladda federaalka ay awoodeeda isugu geyso wax ka qabashadooda.

Amni darrada ayaa ahaa qodobka ay dadku dareenka ugu badan ka muujiyeen waxaana xigay waxbarashada, caafimaadka iyo shaqo la’aanta. •

Waxbarashada ayaa ah qodobka labaad ee ay shacabku u arkaan in muhiimmad la siiyo. Mar haddii in ka badan saddex-meelood, labo ay dadka Soomaaliyeed yihiin kuwo ay da’doodu ka yar tahay 30 sano¹, isla markaana, 70% caruurta Soomaaliyeed ay yihiin kuwo aan haysan fursad waxbarasho, waa ay caddahay sababta shacabku ay u danaynayaan in dowladdu ay waxabarashada muhiimmadda labaad siiso.

• Caafimaadka ayaa ah qodobka saddexaad ee dadka aan shanta magaalo ka warraysannay ay u arkeen arrin u baahan wax ka qabasho. Dalka kama jiro wax lagu tilmaami karo adeeg caafimaad. Hoggaan dowladeed ayaa loo baahan yahay si loo helo adeegyada guud ee caafimaadka, gaar ahaan, dejinta siyaasadda, shuruucda iyo nidaamkii lagu dhaqan gelin lahaa adeeg caafimaad.

Dowladuhu waxay xakameeyaan faafidda cudurada, wacyi geliyaan dadweynaha, islamarahaantaana kormeeraan tayada adeegyada caafimaad. Ha yeeshee, sanado badan oo uu dalku ku jiray xasilooni darro iyo burbur soo gaaray hay’adihii dowligga ayaa sababay in uu meesha ka baxo adeeggii caafimaad.

• Shaqo la’aanta ayaa ah qodobka afraad ee ay shacabku u arkeen inuu mudan yahay in ahmiyad la siiyo, haba ugu sii darnaadeen dadkii laga wareystay Muqdisho oo welwelka ugu badan ka muujiyay shaqo la’aanta.

Abaaraha dalka ka taagan ayaa sababay in dad ka badan 440,000 oo qofood ay ka barakacaan degaanadoodii una hayaamaan magaalooyika.²

Tan ayaana sababi karta in ay sare usii qaaddo shaqo la’aanta haysata dhalinyarada Soomaaliyeed. horayna uga soo shaqeeyay arrimaha gargaarka, dhowaanahanna kamid ahaa mas’uuliyiinta shirkad ka shaqeysa soo saarka shidaalka. Farmaajo wuxuu sheegay in Khayre yahay shakhsi howlkar ah isla markaana ku shaqeynaya aragtida siyaasadeed ee madaxweynaha. Khayre oo codka kalsoonida ka helay golaha shacabka ayaa magacaabay dowlad ka kooban 68 xubnood.

Inkastoo 38% xubnaha golaha shacabka ay saluugeen golaha wasiirada ee la magacaabay, dalbadeenna in wax laga bedelo, hadana 29kii Maarso ayuu golaha shacabku codka kalsoonida siiyay golaha wasiirada ee ee uu soo dhisay ra’iisul wasaare Khayre. Machadka Heritage ee Darasaadka Siyaasadda waa xarun cilmi baaris oo madax bannan, dhexdhexaad ah, aan macaash doon aheyn oo fadhigeedu Muqdisho yahay. heritageinstitute.org

[email protected] @HIPSInstitute Raad raac 8dii Febraayo 2017 ayay aheyd markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray ol-olihii doorashada ayey afar iyo labaatan musharax oo ku tartamayay jagada madaxweynaha mid walba khudbad ka hor jeediyaya gollaha shacabka.

Farmaajo ayaa khudbaddiisii ku sheegay inuu ahmiyadda koowaad siinayo soo celinta amniga, isagoo ajandahiisa siyaasadeed ugu magac daray ‘nabad iyo nolol’ 23kii Febraayo ayaa la magacaabay Xassan Cali Khayre oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda, 2 Heritage Institute for Policy Studies Sidoo kale, waa in dowladda federaalku ay maanka ku hayso, in maamul goboleedyadu aaney isku baahi ahayn, loona baahan yahay, wixii loo qabanayo ama loo dalbayo maamul goboleedyada in lagu saleeyo baahidooda kala duwan ee aan loo maleyn in dhammaan maamul goboleedyadu isku baahi yihiin.

Dadkii laga wareystay Baydhabo, Boosaaso, iyo Muqdisho waxay ahmiyadda labaad siiyeen waxbarashada halka reer Beledweyne ay waxbarashada siiyeen ahmiyadda saddexeed. Caafimaadka: 39 boqolkiiba dadkii noo warramay waxay timaameen in caafimaadku yahay mid wax ka qabasho u baahan. Dadka Baydhabo, Boosaaso iyo Kismaayo waxay muujiyeen in caafimaadku yahay ahmiyadda sadexaad ee ay tahay in ay dowladdu wax ka qabato.

Helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh waa ku yar yahay dalka, inta badan dadkuna ma awoodaan in ay helaan lacagta ay bukaanka ka qaadaan xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay. Shaqo la’aanta: 35 boqolkiiba dadkii la waraystay waxay sheegeen in shaqo la’aantu tahay ahmiyadooda afraad. 12.5 boqolkiiba dadkii aan kula kulannay Muqdisho waxay muujiyeen welwelka ay ka qabaan shaqo la’aanta.

Sidaa oo kale, dadkii aan kula kulannay magaalooyinka Beledweyne, Kismaayo iyo Baydhabo walaac ayay ka muujiyeen shaqo la’aanta. Dadkii aan ka wareysannay Boosaaso ayaa welwelka ugu yar ka muujiyey shaqo la’aanta iyada oo 4.7% keliya ay sheegeen in ay shaqo la’aantu welwel ku hayso.

Falanqayn Intii aan la doorran kahor, Farmaajo wuxuu ahaa musharaxa la oran karay taageerada ugu badan ayuu ka haystaa dadweynaha, iyadoo dad badan ugu yeerayeen musharaxa shacabka. Doorashadii madaxweynaha oo si toos ah looga sii daayay telefishinnada ayaa waxaa daawanayey dad badan oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Kahor intii aan lagu dhawaaqin natiijada doorashada, waxaa bilowday dabbaaldegyo ay sameynayeen qeybo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyaga oo rasaas cirka u ridayey.

Sidaasoo kale, markii lagu dhawaaqay in doorashada uu Farmaajo ku guuleystay, kumanaan qof oo xamaasadeysan una badan dhalinyaro ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Muqdisho iyo magaalooyin iyo tuulooyin kale ee dalka, iyagoo muujinayay taageerada ay u hayaan madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo oo sanadkii 2010kii dalka ka noqday ra’iisul wasaare ayaa waqtigaas xilka hayay sideed bilood oo qura, balse waxaa lagu xusuustaa ol-olihiisii la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dadaalkiisii ku aaddanaa in ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dowladda ay helaan mushahar joogto ah. Dad badan ayaa Farmaajo ku taageeray balan-qaadkii uu sameeyay ee ahaa soo celinta amniga, la dagaalanka musuqmaasuqa, iyo wax ka qabashada xaaladda nololeed ee shacabka.

Machadka Heritage wuxuu sameeyay sahan balaaran oo loogu kuurgalay waxyaabaha ay dadka Soomaaliyeed u arkaan in ay muhiim tahay in ay wax ka qabato dowladda federaalka. Xogtan oo la uruuriyay intii u dhaxeysay 9 iyo 23kii Jannaayo ayaa waxaa ka qeyb qaatay dad gaaraya 1,364 qof oo da’doodu ka sarrayso 18 sano, kuna kala nool magaalooyinka, Baydhabo, Beledweyne, Boosaaso, Kismaayo iyo Muqdisho.³ Dadkii la wareystay waxay sheegeen in amniga, waxabarashada, iyo caafimaadku ay yihiin saddexda arrimood ee ay muhiimka u arkaan.

Waxaa saddexdaas weheliyey, shaqo la’aanta, caddaaladda, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo in la helo doorashooyin uu muwaadin kasta codkiisa dhiiban karo. Natiijada cilmi-baarista Amniga: 53 boqolkiiba dadkii la wareystay waxay muujiyeen in amnigu yahay mid welwel ku haya. Marka laga reebo dadkii laga wareystay Kismaayo, dhammaan dadkii laga wareystay magaalooyinka kale, waxay tilmaameen in amnigu yahay muhiimmadda koowaad ee u baahan waxkaqabasho. Dadkii laga wareystay Muqdisho ayaa ahaa dadka uu welwelka ugu badan ka haystay amniga.

Haddaba, marka la eego xaaladda amni ee ka jirta dalka oo idil, gaar ahaan midda ka jirta magaalada Muqdisho, la yaab malahan in inta badan dadkii la wareystay ay welwel ka muujiyeen amni darrada. Waxbarashada: 45 boqolkiiba dadkii noo waramay waxay muujiyeen in ay waxbarashadu tahay muhiim.

Dadkii aan kula kulannay Kismaayo iyagu waxa ay muhiimmadda koowaad siiyeen waxbarashada, sababtoo ah iyagu welwel badan kama qabin xagga amniga. Maamulka Jubaland ayaa wax ka qabtay amniga magaalada Kismaayo, waxaana magaaladaas lagu tilmaamaa in ay tahay magaalada ugu amniga badan degaanada koofureed ee Soomaaliya.

Tani waa in ay xusuusisaa hoggaanka sare ee dalka, in maamul goboleedyada qaarkood guul ka gaareen xagga amniga, isla markaana ay mudan yihiin in wax laga barto nidaamka ay adeegsadeen, si loogu dabakho degaanada ay amni darradu ka taagan tahay. 2 Heritage Institute for Policy Studies Iyada oo aan si weyn loo fileyn,

Farmaajo ayaa ku guuleystay doorasho ay hareysay, fara gelin, is daba-marin iyo musuqmaasuq ay wadeen waddamo shisheeye oo u badan kuwa deriska (Afrikaan iyo Carrab) kuwaasoo doonayay in ay talada dalka gacanta u geliyaan shakhsi ay iyagu wataan. Haatan oo ay ra’iisul wasaaraha iyo xukuummaddaba codka kalsoonida ka heleen golaha shacabka, dadka Soomaaliyeed waxay u hanqal taagayaan dowladda cusub ay wax ka qabato caqabadaha fara badan ee dalka ka jira. Farmaajo wuxuu balan qaadday in uu wax ka qaban doono amni darrida, isla markaana uu xasilin doono dalka, balse xukuummadihii isaga ka horreeyay ayaa balan qaadyo noocan oo kale ah sameeyay.

Ha yeeshee, iyada oo ay dalka ku sugan yihiin 22,000 askari oo ka socda AMISOM iyo ciidammo intaa la tiro ah oo Soomaali ah, waxaa dalka ka jira amni darro badan. Dhul balaaran ayaa wuxuu ku jiraa gacanta Al-Shabaab, gaar ahaan dhul ka tirsan gobolada bartamaha iyo koofurta.⁴ Inta badan dadkii xog-uruurintan laga soo qaaday waxay sheegeen in loo baahan yahay in dowladda federaalku ay ahmiyad siiso waxbarashada.

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee sanadkii 1991, nidaamka waxbarasho ee dalka wuxuu noqday mid gaar loo leeyahay. Nidaamkan ayaa dhibaato ku noqday dadka danyarta ah ee aan awoodin in ay bixiyaan lacagta waxbarashada. Keliya 30 boqolkiiba caruurta Soomaaliyeed ayaa haysata fursad waxbarasho, taas oo ka dhigan in badi caruurta Soomaaliyeed aaney haysan fursad waxbarasho.⁵

Inkasta oo dalladaha waxbarasho, dugsiyada iyo jaamacadaha gaarka loo leeyahay ay dalka ka hayeen shaqo loo baahaa muddooyinkii lasoo dhaafay, haddana waxaa jira welwel ku aaddan tayada waxbarasho ee dalka ka jirta, ha ahaato heer dugsiyada hoose-dhexe, heer dugsi sare iyo heer jaamacadeedba.

Maqnaanta manaj guud oo waxbarasho, macalimiin tayo leh iyo nidaam jiheeya jaamacadaha ayaa sababay in waxabarashada dalka ka jirta noqoto mid aad u liidata.⁶ Dadaallo dib loogu yagleelayo nidaamkii waxbarasho ee dalka ayaa waxaa sameeyay xukuumadihii lasoo dhaafay.

Dowladda federaalka ayaa dejisay manhajka waxbarasho ee aasaasiga ah, isla markaana ku guuleysatay in imtixaan isku mid ah laga qaado ardada ka qalin jebineysa dugsiyada sare ee qeybo badan oo kamid ah dalka.

Dugsiyada gacanta ka hela maamul goboleedyadii muddo hore la aasaasay, sida kan Puntland ayaa ka nidaam wanaagsan kuwa ka jira maamul goboleedyada cusub sida Hirshabeelle, Koofur-Galbeed iyo Gunaanad Golaha shacabka waxa uu siiyay xukuumadda Khayre kalsooni ay dalka ku maamusho, shacabka Soomaaliyeedna waxqabad ayey ka filayaan xukuumaddan.

Dowladda waxaa horyaalla caqabado fara badan, waxaana jira dhaqaale yari, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in dhaqaalaha yar ee dowladda soo gala loo adeegsado waxkaqabashada arrimaha ay dadweynuhu doonayaan in diiradda la saaro. Sahanka aannu sameynay wuxuu muujiyanayaa in shacabka ay muhiim u arkaan waxkaqabashada ammaanka, waxbarashada, caafimaadka iyo shaqo la’aanta. Jubaland. Shacabku muhiim ayay u arkaan in la helo waxbarasho lacag la’aan ah oo ay dowladdu maamusho.

Sidaa daraadeed, dowladda cusub waa in ay xoogga saartaa aasaasidda dugsiyo lagu dhigto lacag la’aan, isla markaana sameysaa xeerar haga nidaamka waxbarasho ee dalka, ha ahaado midka aasaasiga ama midka jaamacadeed. Waxaa intaa dheer, natiijada clmi-baaristan waxay muujineysaa in dadka Soomaaliyeed ay muhiim u arkaan adeeg caafimaad.

Helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh aad ayuu u yar yahay. Lacagta ku baxda xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay waa mid badan, inta badan shacabkuna aaney awoodin.

Waxyaabaha kale ee ay dadku arkeen in ay muhiim tahay waxaa kamid ah shaqo-la’aanta ka taagan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Abaaraha dalka ka jira oo baabi’iyay xoollo badan oo laf-dhabar u ahaa dhaqaalaha dalka waxay abuuraysaa in dhalinyaro badan oo shaqo la’aan ah ay soo galaan magaalooyinka iyo tuulooyinka, taasoo keeni karta culeysyo dhaqaale iyo mid amni oo degaanadaas soo food saara.

Dowladdu waxay u baahan tahay in ay baarto baaxadda ay la’egtahay shaqo la’aanta dalka ka jirta, lana timaaddo istaraatiijiyad dhow iyo mid dheer oo dhibaatadan wax looga qabanayo. Waa in musuq-maasuqa lala dagaalamo, lana abuuro jawi wanaagsan oo soo jiidan kara maalgashi dibadda ka yimaada iyo mid qurbe-joogta Soomaalida.

Waa ay caddahay in isha ugu weyn ee dhaqaalaha Soomaaliya – oo ah xoolaha – in aaney kaafin karin roobka, oo marna imaanaya marna la waayayo, kana dhigay abaaraha kuwo soo noqnoqda. Sidoo kale, waxaa loo baahan yahay istiraatiijiyad cusub oo dadka lagu wacyi gelinayo si looga faa’iideysanayo kheyraadka dalka sida, kaluumeysiga, beeraha iyo xoolaha… Talooyin tixgelin mudan Ammaanka:

Inta badan dadka Soomaaliyeed waxa ay welwel badan ka muujiyeen nabadgelyo darrada. Sida ay horayba u balan qaadday, dowladda federaalka ayaa laga filayaa in ay xoogga saarto arrimaha ammaanka. Iyadoo kaashaneysa maamul goboleedyada dalka ka jira, waa in ay dowladdu ka hawl-gasho sidii dhidibada loogu taagi lahaa hay’ado amniga suga oo shaqeeya.

Si taas loo helana, waxaa lagama maarmaan ah, in la helo ciidamo tababaran oo leh asluub wanaagsan, islamarkaana hela mushahar iyo gunno joogto ah. Sidoo kale, dowladdu waa in ay garawsataa in xoog ciidan oo qura aan lagu keeni karin nabad.

Hoggaanka cusub ee dalka waa in ay si qoto dheer uga fikiraan una raadiyaan sidii ay Al-Shabaab miiska wada-hadalka loo keeni lahaa. Al-Shabaab waa in ay garowsataa in Soomaalidii xogta laga soo ururiyay ay welwelka ugu weyn ka qabeen nabadgelyo xumo.

Al-Shabaab ayaa marar badan fuliya qaraxyo iyo dhibaatooyin ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee dalka. Waa in aaney Al-Shabaab iska indho tirin rabitaanka iyo dareenka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxbarasho:

Helitaanka waxbarasho tayeysan oo aasaasi ah waa xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin caruurta Soomaaliyeed. Dhalintu waa lafdhabarta ummad kasta, sidaa daraadeed, waxbaridda dhallaanka Soomaaliyeed waxay lagama maarmaan u tahay horumarka dalka.

Waana wax laga xumaado in saddexqeybood, labo caruurta Soomaaliyeed aaney haysan waxbarasho. Dowladdu waa in ay dejisaa hindise lagu soo celinayo nidaamkii waxbarashada dowladda. Sameynta qorsheyaal dhameystiran iyo qaab-dhismeedkii nidaamka waxabarasho, sameynta xeerar iyo shuruucda waxbarashada iyo manhaj guud oo waxabarasha dalku yeelato, ayaa loo baahan yahay in la helo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Caafimaadka: Dadka Soomaaliyeed ayaa welwel ka muujiyey maqnaanshaha adeegyada caafimaadka. Dowladda cusub ee federaalka waa in ay ahmiyad gaar ah siisaa dib-u-dhiska adeegyadii caafimaad ee burburay.

Ugu horreyn, waa in la helaa qorshe qaran oo caafimaad, sameynta hay’ado ka shaqeeya dhowridda danaha caafimaad ee dadweynaha iyo dib u dhiska

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media