Raashiya oo ugu baaqday Iiraan iyo Yuhuudda inay hoos u dhigaan Xiisadda dagaal.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Mikhail Bogdanov ayaa sheegay inay ka waalaacsan yihiin xiisadda Milliteri ee sii kordhaysa ee u dhexeysa Yuhuudda iyo Iiraan oo iyagu dxalay Madaafiic isku weydaarsadeen gudaha Syria.

  

Waxa uu ugu baaqay labada dhinac inay is-xakameeyaan, isagoo sheegay in loo baahan yhaya  in laga shaqeeyo sidii loo joojin lahaa Xiisadaasi.

Dhinaca kale, Afhayeenka Milliteriga Yuhuudda, Jonathan Conricus ayaa u sheegay  Suxufiyiinta inay Dowladda Raashiya ku wargeliyeen Duqeyntii ay ciiddankooda xalay ku weerareen fariisimadda ay Ciiddanka Iiraan ku leeyihiin gudaha Syria.

Waxa uu intaasi ku daray inay duqeeyeen Tobanaan Fariisin oo ay Ciiddanka Iiraan ku leeyihiin gudaha Syria, isago osheegay inay beegsadeen  Dhismayaasha Sirdoonka, Loojistikada, Kaydadka Hubka iyo gaadiid.

Afhayeenka waxa kale oo uu tilmaamay inay Ciiddanka Iiraan tobanaan Gantaal ku duqeeyeen baraha ay Ciiddanka Yuhuudda ku leeyihinn Buuraha Golan Haytis.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media