Raashiya iyo dalal kale oo Dhoolatus Milliteri sameeyn doona

In ka badan 1,500 Askari oo ka kala socda dalalka Raashiya, Tajakistaan iyo Uzbakistaan ayaa ka qeyb geli doonaan Dhoolatuskaasi oo ka dhici doona Xuduudka Afganistan.

Wakaalladda Wararka Raashiya ee TASS ayaa sheegtay in Carbiska Milliteri lagu qaban doono Dhulka Tababarka ee Kharba- Maydon oo masaafo ahaan 20-KM u jirta Xuduudka Afganistan, wuxuuna Dhoolatuskaasi bilaaban doonaa Bisha soo socota ee August 5-da ilaa 10-da.

Ciiddamadda saddexda dal ee ka qeyb qaadan doona Carbiskasi waxaa la sheegay inay soo bandhigi doonaan 300 oo Gaadiidka  Milliteriga iyo Qalabka Culus ee Dagaalka, iyadoo Milliteriga Raashiya ee Saldhigga ku leh dalka Tajakistan yihiin kuwo ugu cuddada weyn ee Dhoolatuskaasi ka qeyb qaadan doona.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor