Raabidada Caalamka Islaamka oo ballanqaaday inay Somalia siinayaan Taageero nooc kasta.

Xoghayaha Guud ee Ururka Raabidada Caalamka Islaamka, Dr. Sheekh C/llaahi Bin C/muxsin Alturki waxa uu Kulan la yeeshay Qusulka Guud ee Safaaradda Somalia u jooga dalka Sacuudiga, Maxamuud Shire.

Kulankaasi waxa uu ka dhacay Xarunta Dhexe ee Ururka Raabidada Caalamka Islaamka oo ku taalla magaalladda barakaysan ee Maka Al-mukarama, waxayna ka wada hadleen Xaalladda Guud ee Somalia iyo Arrimaha Caalamka Islaamka.

Qunsulka Guud, Maxamud Shire waxa uu faahfaahin ka bixiyey Deganaanshaha Somalia, isagoo xusay inay Dowladda Federalka kala la wareegtay  Xarakadda Alshabaab inta badan Deegaanadii ay horey u joogi jireen.

Waxa uu ugu baaqay Ururka Raabidada Caalamka Islaamka inay taageero ka geystaan sidii Somalia looga suulin lahaa Aragtida Xag-jirnimadda, isla markaana Dhallinyarradda loogu jiheyn lahaa Dariiqa Toosan ee Islaamka.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guue ee Raabidada Caalamka Islaamka, Dr. Sheekh C/llaahi Bin C/muxsin Alturki waxa uu tilmaamay inuu ku faraxsan tahay Deganaanshaha Somalia, isla markaana ay taageero ka geysan doono aarrin kasta oo dan u ah Islaamka iyo Muslimiinta.

© Radio Dalsan         

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor